Maamulka Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ka hadlay dagaalyahano ka tirsan Xarakadda Shabaab oo shalay galinkii dambe Seddex askari iyo seddex Haween ahaa ku dilay Suuqa Degmadaas.
C/ qaadir Cusmaan Mursal Taliyaha Saldhiga Af-gooye oo la hadlay idaacadda Simba ee Muqdisho ayaa sheegay in ragii falkaas geystay ay ahaayeen Al-Shabaab,ayna goobta ka baxsadeen.
Waxa uu sheegay In Seddexda askari ee la dilay ay ka tirsanaayen Ciidamadda Minishiibiyadda Degmadda Afgooye,islamarkaana la toogtay xili ay ku sugnaayeen Suuqa Degmadda.
Sidoo kale waxa uu sheegay in haweenka oo Suuqa ku Ganacsanayay ay aqoonsadeen Raggii ka dambeeyay dilka, sidaasna la toogtay.
Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in Degmadda Afgooye saakay kawadaan howlgal lagu baadigoobayo ragii ka dambeeyay falkaan.

