Askari Jubba-land oo Arrimo Jaceel u Dilay Saxiibtiisa oo Askariyad Aheyd!!

0

Wararka ka imaanaya Magaaladda Dhoobley ee Gobolka jubadda Hoose  ayaa ku waramaya in askari ka Tirsan Ciidamadda Maamulka Jubba-land uu dilay gabar askariyad aheyd oo isla ciidanka jubba-land kamid aheyd.

Sida ay inoo xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan jubba-land gacan ku dhiiglaha dilka geystay iyo askariyadda la dilay ayaa waxaa ka dhaxeeyay xiriir jaceel,balse isfaham waa soo kala dhexgalay ayaa keenay in uu dilo gabadha.

Gabadha askariyad aheyd ee la dilay ayaa lagu soo magacaabi jirey Fowsiya Xasan Khaliif.

Dhanka kale waxaa gacanta lagu hayaa askarigii dilka geystay,waxana socda baaritaano ku aadan sababta ku qasabtay in uu dilo gabadha askariyadda aheyd.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here