Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Dhaq dhaqaaq Xooggan ka wada gobolka Jubbada Dhaxe ee koonfurta dalka Soomaaliya.
Ciidamada ayaa dhaq dhaqaaqa ka wada Nawaaxiga degaanka Xagar oo u dhaw Magaalada Buaale ee Gobolka Jubbada dhaxe.
Taliyaha Qeybta 43Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya general Cali Maxamed Maxamuud Bogmadow ayaa sheegay in la xoojiyay Howlgalada ka Socda gobolka jubbada Dhaxe.
general Bogmadow waxa uu sheegay in ujeedka uu yahay in Al-shabaab laga Xureeyo Magaalada Buaale ee Gobolka Jubbada Dhaxe.
Taliye Bogmadow ayaa tilmaamay in Magaalada Buaale ay hada kaabiga ku hayaan Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa jubbaland
ugu Dambeytii general Cali Bogmadow ayaa Xaqiijiyay in Howlgalada ka Socda degaanada Jubbaland Al-shabaab looga guuleestay.







