Al-shabaab oo Bandhigay Meydadka Askar Ka Tirsanaa Dowladda iyo Jubba-land+Sawirro

0

Xarakadda Al-shaabab ayaa soo bandhigtay Khasaaraha Ka dhashay weerarkii  shalay subax ay ku qaaden Saldhiga Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo Kuwa Jubba-land deegaanka Baar-sanguuni ee Duleedka Magaaladda Kismaayo.

Warbaahinta Shabaab ayaa soo bandhigtay Sawiradda iyo meydadka askar ka tirsan Ciidamadda Jubba-land iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa saldhiga,iyo saanad ciidan ay saldhiga ka qaateen.

Al-Shabaab waxa ay sheegeen in dagaalka lagu dilay 41-askari oo ka Tirsanaa Ciidamadda Dowladdda Somaaliya iyo kuwa jubba-land

Dhanka kale Maamulka Jubba-land ayaa deegaanka Baar-sanguuni kusoo bandhigay Meydadka askar ka tirsanaa Shabaab oo ay sheegeen in ay gaareen 72-askari.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here