War Deg Deg:-Al-shabaab oo Weeraray Deegaanka Sanguuni

0

Dagaal u dhaxeeya Ciidamadda Al-shabaab iyo kuwa Dowladda Soomaaliya iyo jubb-land ayaa haatan ka socda saldhiga Deegaanka Sanguuni ee  duleedka Magaaladda Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose.

Weerarka ayaa ku bilowday qaraxyo gawaari loo adeegsaday oo shabaab ay fuliyeen,waxaana xigay dagaal toos ah.

Dagaal culus ayaa lasoo sheegayaa in uu ka socdo deegaanka oo uu kuyaal saldhig weyn oo ciidamada Mareykanka ay u dhiseen Maamulka Jubba-land.

Dagaalkaan ayaa imaanaya xili Jubba-land ay mudooyinkii dambe isku diyaarinaysa dagaal ka dhan ah Ciidamadda Al-shabaab.

Wixii kusoo kordha kala Simbanews.com

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here