Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in la xiray askari ka Tirsan Ciidamadda Ilaaladda Wadooyinka oo lacag Laaluush ama baad ah weydiistay mid kamid ah Darawalada Gaadiidka Magaaladda Muqdisho.
Afhayeenka Booliska Qaasim Axmed Rooble oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in falka ay aad kaga xumaadeen markii ay ku arkeyn baraha bulshadda.
Taliyaha Booliska ayuu sheegay in lasoo gaarsiiyay falka markuu dhacay kadib islamarkaana uu amar ku bixiyay in lasoo xiro Askariga falka ku kacay oo Lagu magacaabo Cabdi Cabdule Xasan.
Waxa uu sheegay in askariga uu Darawalka weydiiyay Buuga Gaariga iyo Licenka,islamarkaana darawalka laga waayay Licenkiisa gaariga, sidaasna uu laaluus askariga ku dalbaday.
“Askariga oo ka Tirsan Ciidamadda ilaaladda Wadooyinka ayaa joojiyay gaari Nin Shacba ah uu watay waxa uu weeydiiyay sharicigii iyo Leesinkii,markii uu yiri mahayo waxa uu weeydiistay lacag sida aad ku aragteen baraha Bulshada,intaasi kadib ciidanka booliska ayaa ka warhelay kadibna soo xiray ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Galinkii dambe ee shalay ayaa waxaa baraha bulshadda qabsaday Muuqaalka askari kamid ah Ciidamadda ilaaladda wadooyinka oo lacag laalush weydiisanaya mid kamid ah Darawalada Gaadidka Magaaladda Muqdisho.

