Sheeko Cajiib ah oo Dhexmartay Ragii Weerarka Ka Fuliyay Nairobi Iyo Kabalyeeri!!

0

Cunta geeye ama (Kabalyeeri), kamid ah shaqaalaha Hoteel-ka ay Al Shabaab weerartay ee Dusit D2 ayaa sheegay in ragga weerarka fuliyey uu weerarka ka hor maalmo u adeegayey isagoo u geynayey Coffee iyo waxyaalo kale.

Cunta geeyahaan ayaa kamid ah dadka laga soo badbaadiyey weerarkan habeenimadii xalay kadib saacado uu ku go’doonsanaa gudaha dhismaha Hotel-ka.

“Waan garanayaa mid kamid ah iyaga, waxa uu dhaawac weyn ka qabay gacanta” ayuu yiri ninkan, waxa uuna intaa sii raaciyey oo uu sheegay in ay ragan hubeysan ee weerarka fuliyey ay toogteen lix kamid ah saaxiibadiisa, afar kamid ah waxaa toogashada kasoo gaartay dhaawacyo halka labada kale uusan war u heyn xaaladdooda.

Cunta geeyahan kamidka ah shaqaalaha Hoteel-ka la weeraray ayaa sheegay in ragga weerarka fuliyey ay ay si wanaagsan oo la fahmi karo ugu hadlayeen luuqadda English-ka.

“Waa maxay sababta aad u dishaan walaalaheena ku sugan Somaliya oo aad uga hor istaagtaan waxbarashada iyo aaditaanka madaarista” ayey raga weerarka fuliyey ku qeylinayeen kahor inta aysan bilaabin toogashada sida cunta geeyahaan uu sheegay idaacadd maxalli ah oo ku taallo gudaha Kenya laguna magacaabo Capital FM News.

Camera-da qarsoon ee CCTV ayaa soo mmuujisay afar dagaalame oo gudaha u galaya dhismaha hoteel-ka markii uu weerarka bilaabanayey balse dadka goobjoogayaasha ah ayaa sheegaya in tiro kale ay ku sugnaayeen gudaha hoteel-ka.

Waziirka arrimaha gudaha ee dalka Kenya Fred Matiangi ayaa shir jaraa’id oo uu warbaahinta u qabtay habeenimadii xalay aheyd ku sheegay in guud ahaan dhismaha hoteel-ka ay kala wareegeen raggii weerarka soo qaaday, waxa uu dadka reer Kenya ka dalbaday in ay xaaladda dejinyaan, balse wali waxaa dhismaha hotel-ka maqlaya rasaas goos goos ah.

Dhanka kale Al Shabaab ayaa sheegatay masa’uuliyadda weerarkaan waana weerarkii seddexaad ee ugu xooganaa oo ay ka fuliso gudaha Kenya tan iyo sanadkii 2011 markii ay ciidamada Kenya gudaha usoo galeen Somaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here