Waxaa Maanta Magaalada Cujmaan ee dalka isutaga imaraadka Carabta ku ku geeriyooday Allaha u naxariistee Abwaan Cali Sugule oo kamid ah abwaaniinta soomaliyeed oo mudooyinkii dambe xanuunsanayay,
Madaxda dowlada soomaliya sida Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, gudoomiyaha Baarlamanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari, iyo R/wasaaraha dalka Cumar C/rashiid ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee abwaan Cali Sugule. oo maanta geeriyooday,
Allaha u naxariistee Abwaan Cali Sugule wuxuu ku dhashay Magaalada Oodweyne sanadkii 1936, Iskuulka hoose Berbera ayuu ka galey markii dambe Sheekh ayuu uga wareegey hase yeeshee wuxuu ahaa Abwaan waddani ah oo rabbi hibo u siiyay hal abuurka maansooyinka. iyo suugaanta.

