Somaliland ayaa sheegtay inay xaq buuxa u leedahay inay doorato dalalka iyo dhinacyada ay xidhiidhka la yeelanayso, iyadoo sheegtay in cadaadisyada uga yimaada Shiinaha iyo Soomaaliya anay waxba ka beddelin xidhiidhka ay la leedahay Taiwan, sida ay Reuters qortay.
Hadalkan waxaa sheegay Wakiilka Somaliland ee Taiwan, Maxamuud Aadan Jaamac Galaal, xilli uu furayay xafiis cusub oo Somaliland ka hirgelisay magaalada Taipei ee Taiwan maanta oo Jimce ah, kaasi oo xadhiga ka jaray Wasiirka Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda Taiwan.
“Waxaan xaq u leenahay inaan dooranno cidda aan xidhiidhka la yeelanayno. Waa go’aan noo gaar ah, sidaas darteedna dadaalladii cadaadiska ahaa ma guulaysan,” ayuu yidhi Galaal oo la hadlayay warfidiyeennada.
Somaliland iyo Taiwan ayaa xafiisyo wakiillo ah ka kala furtay magaalooyinka Hargeysa iyo Taipei sannadkii 2020, iyagoo sii xoojiyay iskaashiga dhinacyada siyaasadda, horumarinta iyo dhaqaalaha.

