NISA oo gacanta ku dhigtay walxo kiimiko ah oo loo waday Al-Shabaab

0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay walxo kiimiko ah oo loo adeegsado samaynta qaraxyada, kuwaas oo sida ay hay’addu sheegtay loo waday kooxda Al-Shabaab.

 

NISA ayaa sheegtay in walxahan kiimikada ah ay ku jireen in ka badan boqol jirgaan, islamarkaana lagu qabtay howlgal daba-gal iyo baaritaan socday muddo.

 

Sida lagu sheegay war ka soo baxay hay’adda, kooxda Al-Shabaab ayaa walxahan ku duugtay deegaanka Jilib Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii ay ogaatay in hay’adaha ammaanku la socdaan dhaq-dhaqaaqyadooda.

 

Hay’addu waxay sheegtay in qabashada walxahan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu carqaladeynayo sahayda iyo agabka ay kooxdu u adeegsato fulinta weerarrada iyo falalka amni-darrada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here