Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo Xilkii Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

0

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa si rasmi ah xilka uga qaaday Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil intii lagu guda jiray fadhigii 16-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee baarlamaanka.

Fadhiga waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Cabdirisaaq Axmed Siciid, waxaana cod gacan taag ah lagu meelmariyay go’aanka xil-ka-qaadista.

Natiijada codbixinta waxay ahayd:

• 38 xildhibaan ayaa u codeeyay xil ka qaadista,

• 1 xildhibaan ayaa ka soo horjeestay,

• 4 xildhibaan ayaa ka aamusay.

Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa waqtiga go’aanka la gaaraayay ku sugnaa magaalada Laascaanood, halkaas oo uu uga qaybgalayay shir muhiim ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here