Soomaaliya oo Xiriir Diplomaasi La Yeelanaysa Dowladda Ukraine

0
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliyaa Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Ukraine Andrii Sybiha, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Wasiir Fiqi ayaa u gudbiyay rajada uu ka qabo soo laabashada nabadda iyo xasilloonida dadka reer Ukraine, Labada wasiirba waxay carabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka iyo horumarinta danaha wadaagga ah ee Ukraine iyo Soomaaliya.

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha Dibadda Dalka Ukraine ayaa sheegay inay soo dhoweenayaan in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay xiriir Diplomaasi la yeelato Dowladda dalkaasi Ukraine oo dagaal kula jirta Dowladda Ruushka.
Qoraal kooban uu soo dhigay barta uu X ku leeyahay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukrane Andrii Sybiha waxa uu ku xaqiijiyay inay qadka telfoonka kuwada xiriireen isaga iyo dhigiisa Soomaaliya ayna ka wada hadleen inay xiriir wada yeeshaan labada Dowladood.

“Waxaan uga mahadceliyey Soomaaliya taageerada ay siisay madax-bannaanida Ukraine iyo midnimada dhuleed,” ayuu yiri wasiir Andrii Sybiha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here