Madaxweyne Hore Axmed Siilaayo oo Ku Geeriyooday Magaaladda Hargeysa

0

Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa Hargaysa ku geeriyooday sida ay qoyskiisu warbaahinta u sheegeen isaga oo 86 sanno jir ah.

Siilaayo oo ku dhashay magaalada Burco ee Maxmiyadii Ingiriiska ee Somaliland (Somaliland-ta maanta) sannadkii 1938, ayaa soo noqday madaxweynaha Somaliland intii u dhaxaysay sannadkii 2010 iyo 2017, isaga oo ahaa aasaasihii xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye.

Silaanyo ayaa kamid ahaa hoggaankii ururkii Dhaqdhaqaaqa Xoraynta Soomaaliyeed ee SNM, isaga oo guddoomiye ka ahaa intii u dhaxaysay 1984 ilaa 1990, waxa kale oo uu soo noqday wasiirkii qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadii Soomaalida sannadihii 1965 ilaa 1973 iyo Wasiirkii ganacsiga sannadihii 1973 ilaa 1978 iyo 1980 ilaa 1982.

Waxa kale oo uu soo noqday wasiirka maaliyada ee Somaliland sannadihi 1997 ilaa 1999, iyo xubin  ka tirsan golaha wakiilada  intii u dhaxaysay 1993 ilaa 1996.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here