Al-shabaab oo Weerar Ku Qaaday Degmadda Kaxda ee Mogadisho

0

Warar dheeraad ah ayaa kusoo baxaya weerar qaraxyo ku bilaawday oo Xalay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaaday degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah dadka ku sugan degmadaas ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka uu ahaa mid ku bilaawday laba qarax oo jugtooda mar qura huradada ka toosiyay dadka ku nool degmada Kaxda, waxaana xigay jugta labada qarax dagaal toos ah oo dhexmaray Al-shabaab iyo ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka uu ka dhacay bar koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada Booliska Soomaaliya oo lagu magacaabo Buurta Cali Janaale.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here