Xubno Ka Tirsan Al-shabaab oo Isku Soo Dhiibay ciidanka dowladda

0

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee ku kala sugan magaalooyinka Ruunirgood iyo Xarardheere ee gobolada Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud ayaa soo bandhigay xubno ka tirsan Al-shabaab oo isku soo dhiibay.

Xubnaha kasoo goostay Al-shabaab ee lasoo bandhigay oo ka kooban sadax xubnood ayaa laba ka mid ah lagu soo bandhigay Ruunirgood, kuwaas oo magacyadooda lagu kala sheegay Aadan Cali Xasan Dhuxulow iyo Axmed Maalin Cabdulle oo kooxda looga dhex yaqiinay Bukabuka.

Labada nin ee lagu soo bandhigay Ruunirgood ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in kooxda Al-shabaab uga soo biireen gobolka Baay oo deegaan ahaan ay kasoo jeedaan, waxayna tilmaameen in kasoo qeyb qaateen dagaalo kala duwan oo ka dhacay gobolada dalka, islamarkaana haatan ay go’aan sadeen iney ka faa’ideystaan cafiska dowladdu fidisay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here