Ethopia oo Si Kulul Kaga Hadashay Hadalkii MW Masar ee Soomaaliya Ku Taageeray

0

Dowladda Ethopia ayaa si kulul kaga hadashay hadalkii shalay kasoo yeeray Dowlada Masar ee ku aadanaa in aysan aqbali doonin in la dulmiyo Dowladda Soomaaliya,islamarkaana awoodeeda tijaabin doonto dowladda Masar hadii tilaabo loo qaado dhanka Soomaaliya.

 

Hadalkaas ayaa ku wajahnaa Dowladda Ethopia oo dhawaan heshiis la gashay Maamulka Somalilandd Kaasi oo lagu siiyay 20KM oo badd ah, si ay ganacsiyo ugu soo dagsato,madaama aysan Ethopia la laheyn wax badd ah.

 

Madaxweynaha dalka Masar Abdelfatah Al Sisi ayaa sheegay in saamaynta amni, dhaqan, dhaqaale iyo siyaasadeed ee uu gobolka ku yeelanayo xad gudubka dowladda Itobiya ee ka dhanka ah midnimada iyo madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya.

 

Madaxweyne Siisi ayaa sidoo kale xusay ineysan indhaha ka fiirsan doonin xadgudubka Itobiya, maadaama ay Soomaaliya iyo Masar yihiin labo dal oo qaan wadaag ah, kuna mideysan daladaha Carbeed iyo kuwa Afrika.

 

“Xeerka Jaamacadda Carabta waxa uu dhigayaa in aan wadajir u difaacno dalkii Carbeed oo ay soo food-saarto khatar jiritaan, sidaas awgeed Dowladda Masar ma aqbalayso in la faro-geliyo, laguna soo xadgudbo midnimada iyo amniga Soomaaliya. Awoodda Masar yaan la tijaabin oo la handadin walaalhood, gaar ahaan dalalka walaalaha ah ee naga codsada in aan garab istaagno” ayaa yiri Siisi.

 

Dowladda Ethopia ayaa hadalkaas si kulul kaga jawaabtay,waxay tilmaamatay in Masar aysan faaido u haynin Soomaaliya iyo shacabkeeda.

 

La-taliyaha Amniga Qaranka Itoobiya, Ridwaan Xuseen oo ka hadlayay heshiiska Masar iyo Soomaaliya ayaa ku tilmaamay in Masar danaheeda fiirsanayso balse aysan faaido u haynin Soomaaliya iyo shacabkeeda.

 

Qoraal uu soo dhigay bartiisa ayuu ku sheegay in Ethopia sanado garab taagneyd Soomaaliya,islamarlaaa dhig u shubtay.

 

Sidoo kale waxa uu sheegay La-taliyaha Amniga Qaranka Itoobiya, Ridwaan Xuseen in heshiiskii dhawaan ay la galeyn Maamulka Somaliland Kaliyah yahay mid ganacsi aysan jirin dhul Soomaaliyeed ay qaadanayaan.

 

“Dhiiggii iyo dheecaankii wiilasheenna & gabdheheenna ayaan u hurnay amniga Soomaaliya, keliya ma nihin deris ee waxaa nahay; walaalo wadaaga af, dhaqan iyo dad, mana kala maarmi karno – Heshiiskii Somaliland aan la galnay waa iskaashi ganacsi oo noo sahlaya irid bad, maaha qaadasho madaxbanaani dal.

 

“Xaqiiqadu waxa ay tahay in kuwo aan Soomaali wax tarin ay isu muujinayaan saaxiib dhab ah – waxa aan jeclaan lahayn in wada-hadal aan la yeelano dhammaan deriskeenna, si aan u noqonno shuraako isdhexgal iyo horumar wada gaadha.”

 

 

Ethopia ayaa la kulmayso dhaaleeceen xoogan oo kaga imaanaysa Dowladdo iyo ururu Caalami ah kadib heshiiskii 1-dii bishan Magaalada Addis kala galeyn Madaxweynaha maamulka Somaliland muuse Biixi Cabdi kaasi oo dowladda Dhexe ka hor timid.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here