Dowladda Soomaaliya oo Si Kulul Kaga Hadashay Hadalka Midowga Afrika

0

 

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan jirin meel lagu dhex dhexaadinayo khilaafka kala dhaxeeya Itoobiya, haddii aysan Addis Ababa baabi’in heshiiska muranka badan dhaliyay oo ay la gashay maamulka Somaliland.

 

“Ma jirto wax dhex dhexaadin ah ilaa Itoobiya ay ka noqoto is-afgaradka sharci darrada ah oo ay dib u xaqiijiso madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, kaas oo la soo dhigay baraha bulshada ee rasmiga ah ee wasaaradda.

 

Warkan ayaa yimid ka dib markii guddiga xallinta khilaafaadka ee Midowga Afrika ay Arbacadii ka wada hadleen xiisadda waxayna ugu baaqeen labada waddan inay is xakameeyaan oo ay sare u qaadaan wadahadal macno leh oo lagu helayo xal nabadeed .

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here