Askar Badan oo Boolis ah Loo Xirey Dil Loo Geystay Wiil Bajaajle ahaa

0

Laamaha Amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in askar badan loo xirey dilkii shalay Isgoyska Holwlwadaag ee magaaladda Muqdisho loogu geystay wiil dhalinyaro ahaa oo kamid ahaa wadayaasha Mooto Bajaajka.

Falkaan lagu dilay wiilka dhalinyaradda ahaa waxaa ka dhashay banaanbax ay dhigeen shacab ka careysnaa falka dilka ah,waxaana jira rasaas ay Ciidamadda Booliska ay u adeegsadeen dadka banaanbaxa dhigayay.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Mumin oo uu wehliyo Gudoomiye kuxigeenka Amniga iyo siyaasadda gobalka Banaadir ayaa warbaahinta u wada xaqiijiyay in askar loo xirey falka dhacay.

Taliye Mahdi ayaa sheegay in lasoo xiray tiro badan oo Ciidamo ah oo ku eedeeysan dilka Marxuumka ee saaka la dilay, islamarkaana ay socdaan baaritaanada la xariira kiiskaan, dhawaana la wadaagi doonaan Shacabka Soomaaliyeed.

Askar dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa inta badan dilal iyo dhaawacyo u geysta wadayaasha mooto Bajaajka gudaha magaaladda muqdisho.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here