Ciidanka kumaandooska Soomaaliya oo gacan ka helaya iyo kuwa deegaanka ayaa saakay la wareegay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay isaga baxeen dagaalyahanada Al Shabaab.
Ciidanka huwanta ah ayaa xalay ku hoyday duleedka degmada Ceeldheer, ciidanka ayaana saakay gudaha u galay degmadaasi markii waagu baryay.
Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxaned Nuur ayaa goordhaw xaqiijiyay in ciidanka xoogga dalka si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Ceeldheer oo gacanta Al Shabaab ku jirtay in ka badan 10-sanno.

