Madaxweyne Xasan Shiikh oo Ku Wajahan Magaaladda Garoowe+Ujeedka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in beri oo khamiis ah u safro magaalada Garawe ee caasimadda Puntland, si uu kulamo ula soo qaato madaxda maamulkaasi iyo qeybaha kala duwan ee bulshada .

Wefdi horu dhac ah oo ay hoggaaminayaan wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan labada aqal ayaa lagu wadaa in maanta gaaraan magaalada Garoowe, wefdigan ayaana  sii diyaariya jadwalka shaqo ee Madaxweynaha inta uu Garawe joogo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wararku sheegayaan in Garoowe u tagayo sidii uu xal ugu heli lahaa tabashooyin maamulka uu Hoggaamiyo Madaxweyne Saciid Deni ka qabaan dowladda federaalka.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here