Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dib loo furaayo xuduud beenaadka Soomaaliya iyo Kenya oo mudooyin dambe xirnaa.
Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta oo kamid ahaa Madaxweynayaashii ka qeyb galay caleemasaarkii Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Shikh ayaa sheegay in horumarka Kenya uu ku xiran yahay horumarka Soomaaliya, maadama ay yihiin labada dal oo deris ah.
“Kenya waa walaal aad ku tashan kartaan,” ayuu yiri Uhuru Kenyatta oo khudbad ka jeediyay xafalada caleemosaarka madxaxweynaha Soomaaliye, Xasan Sheekh Maxamuud.
Kenya ayaa kamid aheyd dalal uu xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya uu si weyn u xumaaday intii uu tallada dalka hayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

