Hir-shabeelle oo Shaacisay Xiliga La Qabanayo Doorashada Kursigii  Ay Ka Geeriyootay Aamino Cabdi

0

Guddiga doorashooyinka Maamulka Hir-shabeelle ayaa shaaciyay xiliga la qabanayo doorashadda Kursigii ay ka geeriyootay Xildhibaanadda aamina Maxamed Cabdi oo lagu dilay qarax ka dhacay Magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

Guddiga SEIT ee Maamulka Hir-shabeelle ayaa sheegay in doorashada Kursigaan lagu qaban doono Magaaladda Jowhar 5-ta bishaan May.

Sidoo kale guddiga SEIT Hirshabelle ayaa shaaciyay Guddiga Xulista Ergada (GXE) kursiga HOP#135 kuwaasoo ka kooban saddex nabadoo iyo labo xubnood oo ka socda Bulshada Rayidka ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here