Guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT ayaa sheegay in xubno ka mid ah Guddiga ay maanta u dirayaan magaalada Baydhabo si xal looga gaaro tabashada Koofur Galbeed, iyadoo 14 bishan ay ku beegan tahay maalinta loo qorsheeyay in la dhaariyo Xildhibaannada labada Aqal.
Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in ujeedka arintaan ka dambeyso ay tahay xalinta khilaafka taagan.
“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ayaa xubno ka mid ah Guddiga u diraya Berri Subax 13.04.2022 Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Si xal looga gaadho tabashada Maamulka Koonfur Galbeed” ayaa lagu yiri qoraalka.
Illaa 73 Mudane oo ka soo jeeda Koofur Galbeed ayaa ku sugan Baydhabo, kuwaasoo aan qaadan shahaadada FEIT.

