Dab aad u xooganaa ayaa ka kacay Xalay Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, waxaanu dabku si xooggan ugu faafay qaybaha kale ee Suuqa.
Dabka oo noqonaya kii ugu weynaa ee ka kaca suuqa Hargeysa, ayaa la sheegay inuu ka bilaabmay goob Bakhaar ah oo ku yaala dhinaca koonfureed ee Suuqa Waaheen, gaar ahaan dhinaca Dooxa Xigta.
Tan ayaa sababtay inuu dabku si xooggan ugu faafo qaybaha kale ee Suuqa, waxaanu uu dabka gaaray faras-magaalaha Caasimadda oo ay ku yaallaan xarumaha shirkadaha isgaadhsiinta iyo kuwa bixiya adeegyada Zaadka.
Dowladda Hoose ee Hargeysa, Ciidanka Dab-demiska, ciidamada kala duwan ee caasimadda iyo wakaaladda Biyaha ee Hargeysa, ayaa qayb ka ah dedaallada lagu deminayo dabka.
Muddo 7-saac kadib waxaa lagu guuleystay in la damiyo dabka ka kacay Magaaladda Hargeysa.

