Akhriso:-Taliye Tareedisho oo Beeniyay in Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyay

0

Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka xooga dalka Jeneraal Axmed Maxamed Calasow Tareedisho ayaa ka hadlay dagaalka Al-shabaab iyo guulaha ay gaareen ciidamadda Dowladda Soomaaliya,kadib safar uu ku tagay degmada Buulaburde ee Gobalka Hiiraan.

Taliyaha oo halkaas kula kulmay saraakiisha kale ee qeybta 27-aad ayaa iclaamiyey dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo Shabaab looga xoraynayo deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan.

Taliyaha ayaa safarka uu uga baxay Muqdisho waxaa ku wehlinayey Taliyaha guutada 4-aad ee qeybta 27-aad Jeneraal Saneey Cabdulle iyo saraakiil kale. Taliyaha ayaa ku dhiira-galiyay Ciidamada in loo adeego Qaranka, lagana difaaco oo gacan la siiyo cid kasta oo diyaar u ah inay iska dhiciso  Al-Shabaab.

Dhanka kale Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka xooga dalka Jeneraal Axmed Maxamed Calasow Tareedisho ayaa beeniyay in xil ka qaadis lagu sameeyay.

Waxa uu General Treedishe eedeeyay wararka suuqa la soo geliyay inay ka dambeeyaan mucaaradka dowlada,xildhibaano xilkooda waayay iyo dad doonaya inay awood qeybsiga hirshabelle ku dabaraan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here