Galmudug oo Ka Hor Timid Go’aanka Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal 

0

Madaxtooyadda Maamulka Galmudug ayaa ka hor timid go’aankii kasoo baxay Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ee lagu shaaciyay xiliga la dhaarinaayo Xildhibaanadda Cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Galmudug ayaa sheegtay in go’aanka kasoo baxay Guddiga doorashooyinka Heer Federaal uusan sax aheyn,islamarkaana go’aanka doorashooyinka ay gaari karaan oo kaliyah Golaha watashiga Qaran.

“Jadwalka kasoo baxay Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal (FIET) wuxuu baalmarsanyahay heshiiyadii doorashooyinka.

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal waxay qaadeen tallaabo ka baxsan awooddooda, waxeyna kasoo horjeedaa heshiiyadii iyo habraacyadii Doorashooyinka.

Hadaba, Dowladda Galmudug waxay cadeyneysaa inaysan aqbali doonin jadwal iyo go’aamo aan kasoo bixin Madasha Wadatashiga Qaranka.

Ugu danbeyntii, Dowladda Galmudug waxay ka digeysaa waxkasta oo caqabad ku noqon kara dhameystirka hanaanka doorashooyinka.

Dhamaad

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here