Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeyn dhanka cirka ah lala beegsaday Saldhig dagaalyahnadda Xarakadda Al-shabaab ay ku leeyihiin Gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulka Soomaaliya.
Duqeyntaan ayaa ka dhacday deegaanka Hareeri-gubadle oo qiyaastii 20 Km dhinaca bari kaga beegan Degaanka Wabxo ee Gobolka Galguduud.
Qoraal kasoo baxay taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Saaxiibadooda Caalamka ayaa ku guuleeystay inay duqeeyn dhinaca cirka ku burburiyaan Saldhigii Al-shabaab ee deegaanka Wabxo Ku yaalay.
“Ciidanka Xoogga Dalka oo kaa shanaya Saaxiibadooda Caalamka ayaa ku guuleeystay inay duqeeyn dhinaca cirka ku burburiyaan Saldhigii Al-shabaab ay ku lahayeen Hareeri-gubadle oo qiyaastii 20 Km dhinaca bari kaga beegan Degaanka Wabxo ee Gobolka Galguduud,In ka badan 200 oo dagaalyahan ah iyo saraakiil ka tirsan Shabaab ayaa lagu dilay weerarka Duqeynta ah, weerarka Duqeynta ayaa dhacay 17:30 Pm”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Dowladda.

