XFS oo Ka Laabatay Go’aankii ONLF Loogu Aqoonsaday Agagixiso

0

Golaha Wasiirrada XFS oo maanta kulan yeeshay ayaa ansixiyay in laga laabto go’aan uu horay u gaaray Golaha Xukuumadda Sanadkii 2017, kaas oo ururka ONLF u aqoonsaday urur agagixiso, ka dib dhiibistii Cabdikariin Muuse Qalbi dhagax oo loo gacan geliyay Ethiopia.

Golaha Wasiiradda ayaa sheegay in tallaabadaas oo goluhu isku u codeeyay in ay ahayd khalad.

Wasiirada ayaa inta badan u codeeyay qaraarkaas maanta la horkeenay Golaha Wasiirada, iyadoo Wasiirka kaliya ee diiday uu ahaa Wasiir Beyle, halka uu ka aamusay Wasiir Xamse Maxamed Xamse.

Wasiirada sida wayn u difaacay qaraarka maanta la horkeenay Golaha Wasiirada ayaa kala ahaa,wasiirka Qorsheynta Jamaal Xasan oo sheegay inay Soomaaliya ceeb ku tahay in ONLF Argagixiso u aqoonsan tahay.

Sidoo kale Wasiirka Dastuurka Saalax Jaamac iyo Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Jaamac ayaa ahaa ka mid ahaa Wasiiradii taageersanaa qaraarka lagala laabtay Liiska Argagixisada ONLF.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here