Galmudug oo Soo Bandhigtay Ciidamo Tababar Loo Soo Xirey+Sawirro

0
Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug oo Caabudwaaq tababar ugu soo xiray Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Galmudug.
Madaxweyne kuxigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid oo safar howleed ku soo gaaray Galabta Degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud, ayaa tababar ugu soo xiray Degmada ciidan Cusub oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Galmudug.
Munaasabadan lagu soo bandhigayay Ciidankaan soo dhamaystay Tababarka ayaa Caawa lagu qabtay Madaxtooyada Cabudwaaq waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Galmudug, Saraakiil, Maamulka Degmadda. Iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada Caabudwaaq.
Ciidamada ayaa soo bandhigay xeeladihii iyo xirfadihii ay tababarka ku soo qaateen taasoo si wayn u loogu riyaaqay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here