Dowladda oo Sheegtay in La Dhaawacay Afhayeenka Shabaab Cali Dheere

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal laga fuliyay Gobolka Shabeelaha Hoose lagu dhaawacay Cali Maxamuud Raage Cali dheere, afhayeenka Xarakada Al-shabaab.

Howlgalka ayaa ka dhacay Deegaanka Shaam oo hoostaga Degmada Aawdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose,waxaana howlgalka lagu dhaawacay fuliyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed sida lagu daabacay warbaahinta Dowladda.

Sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dhaawaca Cali Dheere lagu daweynayo deegaan hoos yimaado Degmada Kuntuwaareey Ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Weerarka ka dhacay Deegaanka Shaam waxaa sidoo kale lagu dilay 17-dagaalyahan oo ka Tirsanaa Xarakadda Al-shabaab.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Shabaab oo loogu hadlaayo warka kasoo yeeray Dowladda Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here