Wararka ka imaanaya Magaaladda Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa ku waramaya In Magaladaas lagu dilay nin ganacsade ahaa sidoo kalana siyaasi horey usoo noqday.
Cali Aadan Xuseen (Cali Marguus) ayaa lagu dhex dilay beer uu ku lahaa deegaanka Maaya Fuulka ee duleedka magaaladda Baydhabo.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka kooxo hubeysnaa ayaa fuliyay dilka Ganacsadaha,waxayna ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dilka Cali Marguus uu salka ku hayo arrimo dhul,islamarkaana maalmihii dambe loo dilay dhowr qof.
Allaha u naxariistee Cali Marguus ayaa ahaa siyaasi hore iyo mid ka mid ah dadka hal doorada sida weyn looga yaqaanay deegaanada Bay iyo Bakool.
Ma jiro cid ilaa haatan sheegatay mas’uuliyadda dilka Siyaasiga.

