Ingiriiska oo Tababar Siinaya Ciidamo u Dhashay Uganda oo Ka Caawinaya Dagaalka Shabaab

0

Ciidamada Britain ayaa tababar siinaya dhigooda Uganda si ay uga caawiyaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Uganda ayaa ah dalka ugu badan ee leh ciidamada qeybta ka ah howlgalka (Amisom), waxaana dalka Uganda Somalia ka joogo in ka badan 5,000 oo askari qeybna ka ah ciidamada ku howlgalo magaca Amisom oo kor u dhaafayo 20,000- oo askari.

Amisom waxaa la aas’aasay sanadkii 2007, si ay ula dagaalamaan Al Shabab iyagoo garab siinayo dowladda Somalia.

Ciidamadan tababarka la siinayo ayaa qeyb ka ciidamada badda ee dalka Uganda waxaana ay ka howlgali doonaan biyaha badda ee ku xeeran garoonka diyaadaha Adan Adde ee magaalada Muqdisho.

8 askari oo kamid ah ciidamada badda ee boqortooya Britain ayaa ciidamadan tababaro ku aadan dhanka xirfadaha ku siiyey harada Victoria oo ku taallo magaalada Entebbe ee dalka Uganda.

Casharada Tababarka lagu siiyey ciidamada Ugandhes ka ah waxaa kamid ah habka doomaha loogu isticmaalo si xirfadeysan iyo sida baaritaanada loo sameeyo iyadoo la beegsanayo la tuhmanayaasha.

Tababarka ayaa sidoo kale ciidamada lagu siiyey xirfadaha aas’aasiga ah ee dhanka caafimaadka si ay gurmad ugu sameeyaan askarta dhaawacyadu soo gaaraan xilliyada howlgalka.

Chris Carmichael oo kamid ah ciidamada badda ee britain ayaa tababarka ay siiyeen ciidamadan Ugandes ka ah ay ku saleeyeen ka howlgalidda biyaha iyo bariga.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay xubnaha tababarka qaatay la baray habka ay u difaacayan naftooda, loona sameeyo baarista gawaarida iyadoo lasoo xirayo xubnaha la tuhunsan yahay.

Tababarkooda ayaa sidoo kale ku lug leh amniga aadanaha iyo arrimaha jinsiga, iyagoo soo bandhigaya talooyin ku saabsan aragtida, wax ka qabashada iyo ka hadalidda dhibaatooyinka taagan uu kamid tahriibinta.

Captain Jacob Katumba oo kamid ah ciidamada badda ee Uganda ayaa sheegay in xirfadaha lagu baray tababarkan uu ka saacidayo kala garashada dambiilayaasha iyo dadka aan qaladka galin muddada howlgalkooda oo 12 bilood ah.

Al Shabab oo xiriir laleh urur weynaha Al Qaeda ayaa maamulo inta badan dhulka baadiyaha ah ee koofurta Somalia, waxaana ay magaalada Muqdisho ka fuliyaan weeraro qaraxyo iyo ismiidaamin ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here