Kulan looga hadlayay amniga magaaladda Dhusamareeb ee gobolka galgaduud ayaa ka dhacay magaaladasaa.
Waxaa ka qayb galay mas’uuliyiinta amniga ee mamulka galmudug.
Kulanka waxaa diirada lagu saaray wax ka qabashada amniga magaaladda Dhuusamareeb, oo lagu qabanayo shirka dib u heshiisiinta beelaha galmudug, iyo doorashada maamulka Galmudug.
Qodobada kulanka kasoo baxay waxaa kamid ah in la kontaroolo Gaadiidka aan aqoonsiyada laheyn ee magaaladda gudeheeda dadku ku haystaan, iyadoona digniin loo diray dadka gaadiidkoodu uusan aqoonsiga laheyn,sida uu warbaahinta u sheegay Ganaral cabdi wahaab shiiq yuusuf taliyaha ciidanka booliska Gobolka Galgaduud.
Shacabka magaaladda Dhuusamareeb ayuu talisku ciidanka booliska gobolka galgaduud ka codsaday inay kala shaqeeyaan amniga magaaladda.
Dhusaamareeb oo ay kusoo wajahan tahay marti galinta doorashada galmudug ayaa saraakiisha amnigu ku dadaalayaan xaqiijinta amnigeeda, waxaana ku sugan masuuliyiin uu ka midyahay raysal wasaare xasan cali khayre.

