Diyaaradaha dagaalka ee dalka Turkey ga ayaa seddex dagaalyahan oo ka tirsan kooxda PKK ku dilay waqooyiga dalka Iraq kadib hawlgalo ay halkaasi ka sameyeensida lagu xaqiijiyey qoraal kasoo baxay wasaaradda difaaca ee dalka Turkey ga.
Duqeymaha ayaa ka dhacay gobolka Avasin waxa uuna qeyb ka yahay howlgalada military ee ka socdo waqooyiga Iraq sida lagu shaaciyey barta Twitter ka ee wasaaradda.
Qoraalka waxa sido kale lagu sheegay in weerarkan lagu bur buriyey hub iyo guryo ay kooxda PKK leedahay.
Dagaalyahanada PKK ayaa fariisimo ku leh xadka ay wadaagaan dalalka Iraq iyo Turkeyga waxaana ay halkaas ka geystaan weeraro.

