Madaxweynihii Dalka Tunisia Beji Caid Essebsi oo Goordhaweyd Geeriyooday

0

Madaxweynihii dalka Tunisia Beji Caid Essebsi ayaa geeriyooday maanta oo khamiis ah isagoo 92 jir ah, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada dalka Tunisia.

Madaxtooyada ayaa sheegtay in madaxweyne Essebsi uu ku geeriyooday isbitaal uu military gu leeyahay oo ku yaallo magaalo madaxda dalka Tunisia ee Tunis.

Galinkii dambe ee arbacada ayaa Mr Essebsi loola cararay isbitaalka kadib xanuun soo wajahay.

Bishii hore gudaheeda ayaa labo jeer loo qaaday madaxweynahan isbitaalka Military iyadoo laga soo saaray 1-dii bishan July.

Essebsi, ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyey ee si dimoqraadiyad ah loogu doorto dalka Tunisia, waxaana uu talada waddankaas qabtay bishii December sanadkii 2014.

Essebsi ayaa hore xilal kala duwan uga soo qabtay dalka Tunisia oo dhaca waqooyiga Africa waxaana xilalkaas kamid ah agaasimaha guud ee ciidamada ammaanka Tunisia, wasiirka Amniga, wasiirka arrimaha gudaha iyo wasiirka arrimaha dibadda.

Essebsi oo dhashay sanadkii 1926 ayaa bishii February ee sanadkan ku dhawaaqay inuusan aheyn musharax doorashada Tunisia ee loo balansan yahay bisha November.Chat Conversation End

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here