Ciidamadda Dowladda oo Howlgalo Kawada Shabeelaha Hoose+Sawirro

0

Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgalo amniga lagu xaqiijinayo waxa ay kawadaan deegaano ka Tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Deegaanada howlgaladaasi ay ka socdaan ayaa ah inta u dhexeysa deegaanada xadka labada shabeelle,laga soo bilaabyo afgooye ilaa Balcad nawaaxigeeda,Deegaanada Sabyo, Shirkadda Gumad,Dhiiqaaley,deegaanley iyo tuulooyin kale ayaa kamid ah goobaha ay howlgaladu ka wadaan ciidamada si amniga loo xaqiijiyo.

Howlgalka waxaa hogaaminaya taliyaha ururka 31-ad ee qeybta 12 April ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Maxamed Maxmuud Guutaale (Qataatow),iyo saraakiil kale,waxaana la arkayayay Ciidamada oo watay gaadiidka dagaalka kuwaasi oo si taxadir leh u baarayay isu socodka dadka iyo gaadiidka wadooyinka soo gala deeganaada ay gacanta ku hayaan.

Gaashaanle Sare Maxamed Maxmuud Guutaale (Qataatow) ayaa sheegay in howlgaladda ay wadaan ay ku fashiliyeen isku dayo ay Shabaab ku doonayeen in qaraxyo ay ku soo geliyaan Muqdisho,isagoo intaasi ku daray in wada shaqeyn buuxda ay ka haystaan bulshada deegaanadasi kunool.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here