Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay magaaladda Muqdisho,gaar ahaan goob ciidamadda Dowladda gaadiidka ku baaraan oo ku taala Garoonka Magaaladda Muqdisho.
Warbaahinta Shabaab ayaa baahisay in xilliga uu qaraxu dhacayay koontaroolka lagu hubinayey gawaari kuwa aan xabada karin ah oo ay wateen mas’uuliyiin iyo saraakiil sare sare islamarkaana ay waxyeello xooggan soo gaartay qaar kamid ah gawaaridaas iyo ciidamadii ilaalinayey oo saarnaa gaadiid dusha ka feydan.
Sidoo kale shabaab waxa ay sheegeen in uu bartilmaameedku ahaa koontaroolkaas oo ay sheegeen in uu ahaa mid ay dagan yihiin Ciidamadda Dowladda ee ilaaliya xarumaha hay’adaha ee ku yaalla aagga garoonka.

