Faah-faahin:-Nin Odey ahaa oo Lagu Dilay Gobolka Shabeellaha Hoose

0

Kooxo hubeysnaa ayaa xalay tuuladda lagu magacaabo Sagaalaad oo hoostagta degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay ku dileen Nin odey ahaa oo si weyn loogu yaqaanay Tuuladda.

Odeyga la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Xasan Yuusuf Baani,waxaana xiliga la dilayay uu ku sugnaa afafka hore ee hoygiisa.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa fuliyay dilka,waxayna ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.

Xasan Yuusuf Baani ayaa mar soo noqday Gudoomiyaha tuuladda Sagaalaad oo hoostagta degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here