Kooxo Mindiyo ku hubeysnaa ayaa xalay Magaaladda Muqdisho waxa ay ku dileen Gudoomiyihii Maxkamadda Gobalka Shabeelada hoose.
Dilkaan ayaa ka dhacay degmada Dharkenleey ee Gobolkaa Banaadir.
Gudoomiyaha la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Saciid Cumar Xasan, wuxuuna ahaa gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Shabeellaha Hoose ee dhanka maamulka Koofur galbeed Soomaliya.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogyaal kooxo Mindiyo ku hubeysnaa ayaa fuliyay dilka Gudoomiyaha waxayna ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.
Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka Gudoomiyaha,iyo wax war ah oo kasoo baxay Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya.

