Ciidamadda Dowladda oo Xaliyay Xiisadda u Dhaxeysay Labo Beeleed+Sawirro

0

Taliska Qaybta 21aad ayaa Xal ku dhameeyey Xiisad ka Taagneed Deegaanka DhagTuur oo Dhanka Bari Cadaado Uga Beegan qiyaas Dhan 90KM.

Ciidamadda Qaybta oo uu Hogaaminayo Madaxa HowlGalinta Qaybta 21aad G/Dhexe Abdulkadir maxamed “Gasaawe” oo Maalmo kohor Gaarey deegaanka Dhagtuur ayaa Xaliyey Xiisad ka Dhex jirtay Beelo deegaanka wada Dagan taa oo Salka ku Heysay Baraago Deegaanka Laga qoday oo Mid ka Mid ah Beelaha Halkaa dagan ay ka Biyo Diiday.

Saraakiisha Taliska iyo Masuuliyiinta Kale ee Gobolka Mudug ayaa Labada Dhinac Kulamo ay La qaateen Kadib Ku Guuleestay in la Aaso “Duugo” dhamaan Baraagihii lagu Muransanaa waxaana Dhinacyadu isla Garteen in Arinta Deegaanka Loo Saaro Gudi ka Kooban 14 Xubnood oo Laamaha Amniga kala Shaqeeya Xaalada Amni ee Deegaanka iyo Xalinta Tabashooyinka Yar yarIyadoo Ugu Dambeyna Gacmaha LA isku Galiyey Dhinacyadii Muransanaa oo Gartey In ay kuwada Noolaadaan Nabad iyo Xasilooni.

Ugu Dambeyn Gudiga Howshan Ku Jiray ayaa Sameeyey Xirmo Dhuleed Ka Caagan Deegaameysiga Gaar ahaan In laga qodo Baraago si looga Baaqsado Isku Dhacyo Halkaa ka yimaad.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here