Xaaf oo Sheegay in uu Ka Baxay Heshiiskii Ahlusuna Doorashana Ku Dhawaaqay

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa war kasoo saartay Xaaladda Galmudug.

Buritaanka Heshiiskii Jabuuti iyo Qabashada Doorashada Galmudug.

______________________________________
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Markuu arkay: Qodobka 50aad, faqradiisa 6aad, 9aad iyo 10aad ee Dastuurka Dowlad Goboleedka Galmudug;
Markuu arkay: Axdi la’aanta Ahlu-Sunna Waljamaaca ay si xurma la’aan ah u muujiyeen;
Markuu arkay: Damaca iyo sad bursiga aan dhamaaneyn ee Ahlu-Sunna Waljamaaca;
Markuu garwaasaday: Ahmiyadda ay leedahay ilaalinta dastuurka iyo heshiisyada Galmudug;
Markuu latashaday: Odoyaasha iyo Waxgaradka beelaha dega Galmudug;
Wuxuu Xeeriyey;
Qodobka 1aad
1. In uu buray heshiiskii Jabuuti ee Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljamaca oo lagu saxiixay Muqdisho 06/12/2017.
2. In laqabto Doorashadii Dowlad Goboleedka Galmudug.
3. In Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha kawada shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa doorashada iyo dib uheshiisiinta.
4. In ay dhamaatay kala aragti duwanaan shihii Dowladda Federaalka iyo Galmudug.
5. In doorashadu ka dhacdo caasimadda kumeelgaarka ah ee Cadaado.
Qodobka 2aad
Ayadoo la eegayo qodobka 1aad ee kor ku xusan waxaa buray gabi ahaan wax kasta oo heshiiskii Galmudug iyo Ahlu-Sunna ka dhashay oo ay ka mid tahay:
1. Badalidda astaanta Galmudug
2. Badalidda Dastuurka Galmudug
3. Dhismaha Madaxa Xukuumadda
4. Badalkii Gudoomiyihii Baarlamaanka iyo Madaxweyne Ku-xigeenkii
5. Isku darka Golaha Baarlamaanka
6. Dhismaha Golahii Wasiirada cusbaa
Qodobka 3aad
Xeerkan wuxuu dhaqan galayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here