Meydka Wiil Lagala Baxay Kilyaha iyo Beerka oo Lagu Arkay Muqdisho

0

Meydka wiil yar oo la la’aa muddo 16-maalin ah ayaa galabta lasoo dhigay goob dhuxusha lagu iibyo Xaafadda Tarbuunka Degmadda Hodan ee Gobolka banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal wiilkaan ayaa galabta lagu arkay Tarbuunka,waxana lagala baxay Beerka iyo kilyaha,waxaana durbadiiba la wareegay Ciidamadda Booliska Dowladda Soomaaiya gaar ahaan qeybta Baarista.

Dhanka kale waalidiinta Wiilkaan ayaa sheegay in wiilkooda uu  ka maqnaa ilaa 16-maalin kadibna maanta ay ka war heleen isagoo qalalay in lasoo dhigay nawaaxiga Tarabuunka ee Degmada Hodan.

Meydka wiilka ayaa galabta lagu aasay Qabuuraha Iskuul policia Degmadda Xamar jajab ee Gobolka banaadir.

Ilaa haatan lama oga cida ka dambeysay falkaan lagu dilay wiilka yar.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here