Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo Sheegay In La Toogtay Taliyihii Ciidamada Itoobiya

0

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa sheegaya in taliyaha ciidamada Difaaca ee dalkiisa la toogtay ayadoo uu qalalaaso ka taagan yahay gobolka Waqooyi ee Amxaarada.

Mr Abiy oo telefishinka ka soo muuqday asagoo qaba dareeska ciidamada, ayaa sheegay in dhowr sarkaal oo kale lagu dilay weerar ka dhacay caasimadda gobolka Amxaarada ee Bahir Dar.

Goor sii horraysayna xukuumaddu waxay sheegtay in “afgambi fashilmay” uu ka dhacay gobolka Amxaarada.

Wararkuna waxay sheegayaan in khadka internet-ka ee dalku uu go’an yahay.

Wasaaradda arrimaha dibaddda Maraykankuna waxa ay sheegtay in ay ka warhayso wararka ku saabsan rasaas ka dhacday magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Abiy Axmed ayaa sannadkii hore loo dooortay Ra’iisal Wasaare, waxa uuna soo afjaray cadaadiskii ka jiray Itoobiya asagoo siidaayey maxaabiistii siyaasadda u xidhnayd. Waxa uu sidoo kale xayiraaddii ka qaaday axsaabta siyaasadda.

Balse sida Qaramada Midoobay ay sheegtay, qalalaaso qowmiyadeed ayaa dib uga soo cusboonaaday dalkaas, taas oo keentay in 2.4 million oo qof ay barakacaan.

Mr Abiy ayaa sheegay in taliyaha ciidamada ay soo weerareen qolo uu ku tilmaamay “calooshood u shaqaysteyaal”.

Waxa uu sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah saraakiisha Amxaarada la laayey xilli ay shir ku jireen, waxa uuna sheegay in “saaxiibadood” ay laayeen.

Afhayeenka Mr Abiy Negussu Tilahun ayaa goor sii horraysay sheegay in qolyihii afgambiga soo abaabulay ay doonayeen in ay xilka ka tuuraan Ambachew Mekonnen, oo ah madaxweynaha gobolka Amxaarada.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here