Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), ayaa wali ku Xayiran Magaaladda Dhuusa-mareeb ee caasimadda Maamulka Galmudug.
Waxaa fashilmay kulan lagu waday in ay yeeshaan xalay Madaxweynaha Maamulka Galmudug iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo lagu xalin lahaa khilaafka jira.
Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Galmudug oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in fashil uu kusoo dhamaaaday kulan lagu waday in ay yeeshaan Madaxweyne Xaaf,wasiirka Arrimaha Gudaha, iyo gudoomiyaha Ahlusuna Waljameeca Macalin Maxamuud.
Madaxweynaha Galmudug ayaa la sheegay in uu ka hor yimid kulan uu la qaadan lahaa wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, oo dowladda Dhexe u wakiilatay xalinta khilaafka Madaxda Galmudug si doorasho loo qabto.
Dhanka kale mas’uuliyiinta Maamuulka Galmudug ayaa inoo sheegay in laga cabsi qabo in dagaal uu ka dhaco gudaha MagaaladdaDhuusa-mareeb,madaama ciidamo daacad u ah Xaaf loo diiday in ay soo galaan Magaaladda.

