Dagaalyahano ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab ayaa weerar qorshaysnaa ku fuliyay gudaha dalka Kenya.
Weerarkaan ayaa ka dhacay deegaanka Yumpis oo ka tirsan degmada Fafi ee ismaamulka Garissa Gobolka Woqooyi bari.
Dagaalyahanadda Shabaab ayaa burburiyay intuu weerarka socday Anteeno ay leedahay shirkadda Isgaarsiinta Safaricom ee dalka Kenya.
Shirkada Isgaarsiinta Safaricom ayaa ka hadlin wali khsaaraha soo gaaray ee shabaab u geysteen.
Al-shabaab ayaa kordhiyay mudooyinkii dambe weeraradda ay ka fuliyeen gudaha dalka Kenya, oo ciidamadda ay kaga sugan yihiin Soomaaliya.

