Sarkaal Ka Tirsanaa Xarakadda Al-shabaab oo Isku Dhiibay KGS+Sawirro

0

Sarkaal ka tirsanaa Xarakadda Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidamadda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ku sugan Degmadda Diinsoor ee Gobolka Baay.

Sarkaalka isa soo dhiibay ayaa lagu magacabaa Ibrahim Manuur Osmaan,wuxuuna muddo 9-sano ah uu  ka Tirsanaa Xarakadda Al-shabaab.

Ibraahim ayaa sheegay in uu hogaamin jirey ciidamo dhowr jeer weeraro kusoo qaaday degmadda Diinsoor ee gobolka Baay Iyo Deegano Ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya,kuwaasi oo geystay khasaare.

Sarkaalkaan ayaa Dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Shacabka ka dalbadey in ay cafiyaan.

Dagaalyahano iyo Saraakiil ka tirsanaa Xarakadda Al-Shabaab ayaa mudooyinkii dambe isku soo dhiibayay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here