Galmudug oo Sheegtay in Lasoo Qabtay dadkii ka dambeeyay dil Ka Dhacay Dhusa-mareeb

0

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in gacanta kusoo dhigeen dadkii ka dambeeyay dil loo geystay afar ruux oo la sheegay in ay shinni ku xanaaneynayeen deegaanka Bulucle ee duleedka magaalada Dhuusamareeb.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo shir jaraaid ku qabtay  Xafiiskiisa Dhuusa-mareeb ayaa sheegay in Ciidamadda Galmudug ay ku guulesteen qabashadda dadkaas,kuwaasi oo maalmihii dambe lagu raadjoogay.

Waxa uu sheegay Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Shaakir in shaqsiyaadka lasoo qabtay Maxkamadd la horgeyn doono maalmaha soo socda.

Bilowgii todobaadkaan ayay aheyd markii kooxo hubeysnaa ay dileen afar ruux oo kasoo jeeday deeganadda koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here