Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Maamulka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay Sarkaal ka tirsanaa Xarakadda Al-shabaab.
Howlgal laga fuliyay degaanno ku dhow Baar Sanguuni ee Gobolka Jubbada hoose, ayaa suura galiyay in gacanta lagu dhigo Sarkaalkaan.
Ibraahim Lujende Maxamed, ayaa kamid ah dagaalyahano ka Tirsanaa Shabaab ku sugnaa degaanno ku dhow Baar Sanguuni ee Gobolka Jubbada hoose.
Ibraahim Lujende, oo warbaahinta la hadlay markii lasoo bandhigay kadib ayaa sheegay in muddo 10 Sano ah uu u xirnaa Al-Shabaab laguna qasbay shaqada jaajuusnimada iyo xog uruurinta ah ee uu u hayay Shabaab.
Cabdi xukun, oo ka tirsan Saraakiisha qaybta 43-aad ee Ciidanka xoogga Dalka ayaa sheegay in Ninkani uu ka mid ahaa koox Afar ah, Laba ka mid ihina ay hubeysnaayeen, kuwaas oo Al-Shabaab u qaabbilsanaa Uruuurinta xogaha, balse Saddexdii kale ay ka baxsadeen kuna raad joogaan.
Waxa uu sheegay Taliyaha in wadaan howlgal lagu baadigoobayo rag kale ee ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab.

