Akhriso:-Lix Wadan oo Sheegay in Maalinta Bari ay Tahay Maalinta Koowaad ee Ciida

0

Dabaal degyada Ciidul Fitriga ayaa waxa ay ka bilaabmayaan Saudi Arabia maalinta beri oo talaado ah kuna beegan June 4, sidaas waxaa ku dhawaaqday maxkamadda sare ee dalka Saudi Arabia.

Bilashada bisha Shawal waxaa laga arkay maqribnimadii caawa qeybo kamid ah boqortooyada Saudi Arabia, waxa ayna taas la micno tahay in maalinta berito ah ay tahay maalin ciid ah.

Maxkamadda ayaa sabtidii ugu yeertay dhamaan muslimiinta ku nool dalka Saudi Arabia inay isku dayaan aragtida bisha Shawaal maqribnimada isniinta ah oo bisha Ramadan ay tahay 29 kuna beegan June 3, 2019.

UAE, Kuwait, iyo dalalka kale ee khaliijka Carabta ayaa sidoo kale maalinta berito oo talaado looga dabaal degayaa maalinta koowaad ee Ciidul fitriga iyagoo qabo in Ramadanku ku egyahay isniinta.

Indonesia, Pakistan, Australia iyo dalal kale oo ka tirsan qaaradda Asia ayaa sheegay inaysan bisha wali arkin islamarkaana ay ciidayaan maalinta arbacada ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here