War Deg Deg:-Darawal Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho

0

Askari ka Tirsan Ciidamadda Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaweyd Magaaladda Muqdisho ku dilay mid kamid ahaa darawaladda Ka xeeya gaadiidka dadweynaha ee Homey-ga loo yaqaano.

Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafada Saybiyaan Degmadda hodan ee gobolka Banaadir.

Qof kamid ah dadkii goobta ku sugnaa ayaa idaacadda Simba u sheegay in askariga uu darawalka ku amray in uu gaariga kawado goobta uu dhigtay,balse uu taasi diiday xabadna lagu dhuftay.

Meydka darawalka ayaa goobta laga qaaday, waxaana goobta ka baxsaday askarigii dilka geystay.

Darawalka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Laan-geel

Ciidamadda Amaanka Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay dilalka ay u geystaan darawaladda ka shaqeeya Magaaladda muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here